daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo wali socdaal shaqo ku maraya gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga raray ciidamadii horey u daganaa kuwaas oo dagi doona degmad Dhuusamareeb.
Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday mid kamid ah goobaha dhaca duleedka magaalada oo ay dagan yihiin dadkii ay colaaduhu ka barakiciyeen guryahooda, wuxuna u sheegay dowladda Soomaaliya in ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda isla markaana ay hadda ku noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay. wuxuuna yiri.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:11 and have
, Published at