Warbixin: Khilaafka u dhaxeeya hogaanka Alshabaab oo xoogeystay

Warbixin: Khilaafka u dhaxeeya hogaanka Alshabaab oo xoogeystay

daajis.com:-Tan iyo markii uu Mareeykanka duqeyn cirka ah ku dilay hogaamiyihii hore ee Alshabaab, ayaa waxaa soo if baxayay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay hogaanka sare ee kooxda, kaasoo salka ku haaya maamulida kooxda iyo cida leh awooda ugu sareysa.

Kulamo maalmihii lasoo dhaafay dhexmarayay madaxda kooxda, ayaa ugu danbeyn kusoo gaba gaboobay natiijo la’aan iyo is afgarad waa.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa, sidii laysugu keeni lahaa hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye iyo Mahad Karataay oo kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda.

Mid kamid ah saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas, ayaa bartiisa Twitter-ka, qoraal yar uu soo dhigay,waxa uu ku sheegay in lagu kala booday kulamdaas, islamarkaasna Mahad Karataay uu u hanjabay Hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye.

Sarkaalkan ayaa qoraalkiisa ku sheegay, in Mahad Karataay uu Axmed Diiriye ugu hanjabay, inuu qoorta ka jari doono.

Cali Dheere, oo ah afhayeenka guud ee kooxda kana mid ahaa dadkii wax ka dhex dhexaadinayay labadaan hogaamiye, ayaa isagu gacan ka taagay isu keenidooda.

Khilaafka ka dhex taagan hogaanka kooxda, ayaa soo bilaawday xiligii uu noolaa hogaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane, iyadoo saraakiil badan oo kooxda caan ka ahayd ay ku baxeen gacanta Godane sida Abuu Mansuur AL Amriiki, Macalin Burhaan, sidoo kale waxaa kooxda isaga cararay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo hada kujira gacanta DF.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada