Abuu Mansuur Roobow oo sanado ka hor ka tegay Al-Shabaab

Abuu Mansuur Roobow oo sanado ka hor ka tegay Al-Shabaab

daajis.com:- Sheekh Ukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu isaga baxay ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.

Zakariya Ismaaciil Xersi oo ka tirsanaa Al-shabaab oo dabayaaqadii sanadkii hore kasoo goostay Al-Shabaab ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in Sh. Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) uu isaga baxay Al-Shabaab.

Sarkaalka oo hadda ku biiray dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Abu-Mansuur uu ku nool yahay dhulka uu deegaan ahaan kasoo jeedo, isagoo tilmaamay inuu yahay shaqsiga keliya ee ugu wanaagsan ee kasoo haray madaxdii Al-shabaab.Sheik Muktar Robow Abu Mansur, spokesman of Somalia's Islamic al-Shabab, leaves a news conference

“Abu-Mansuur mar hore ayuu ka tagay Al-shabaab waa ruuxa keliya ee ka haray madaxdii Al-shabaab oo ugu caqliga iyo waxgaradnimo badan. Isagoo kooxda ka tagay saddex sano ka hor. Haatan wuxuu ku nool yahay meel ka mid ah deegaannada uu kasoo jeedo,” Ayuu yiri Zakariya Ismaaciil.

Sidoo kale, Zakariye wuxuu ka hadlay aqoonta uu u leeyahay amiirka cusub ee Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Abu-Cubeyda kaasoo uu ku sheegay magaciisa dhabta ah in la yiraahdo Axmed Diiriye, isla markaana uu yahay nin ku feker ah Axmed Godane oo Mareykanka duqeyn ku dilay.


“Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab gobol ayuu guddoomiye ka ahaa anaga ayuu na hoos iman jiray, waa nin shaqo badan oo karti badan, mana fillayo inuu buuxin karo kaalintii Godane, marka la eego karti ahaan, go’aan adeyga iyo calool adeyga, laakiin waa isku feker,” ayuu yiri Zakariye mar kale.

Zakariye Xaaji Ismaaciil oo soo goosashadiisa kadib, sannadkii hore dhamaadkiisa ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu bixiyay xog fara badan oo ku saabsan madaxda Al-Shabaab, taasoo u sahashay in Dowladda Somalia soo dhoweyso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada