Dableyda ayaa wali gudaha ugu jirta jaamacadda, waxayna ku dhex-haystaan arday aan tiradooda wali la sheegin. Ciidamada amniga ayaa iyaguna ku hareeraysan jaamacadda, waxaana socda howgallo ay doonayaan inay gudaha ugu galaan kuna soo bad-baadiyaan dadka ku jira Jaamacadda.
Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay labo ka mid ah dableyda weerarka soo qaadday.

Ardey ka soo baxsaday Jaamacadda weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in dableyda ay dadka weydiinayeen diintooda, “kaddibna waxay tooganayeen dadka Masiixiyiinta ah”.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarka uu soo gudbin doono wasiirka amniga gudaha.
_82077209_82077208
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at