Wararkii ugu dambeeyay ee Gaarisa, dhimashada oo 147 gaartay iyo dad la soo bad baadiyay

Wararkii ugu dambeeyay ee Gaarisa, dhimashada oo 147 gaartay iyo dad la soo bad baadiyay

daajis.com:- Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya magaalada Garrisa ayaa sheegaya in ugu yaraan 147 ruux ayaa ku dhinteen 79 kalana ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday jaamacada Gaarisa.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Hay’adda ka hortagga masiibooyinka dalka Kenya in ka badan 500 oo arday ah ayaa laga soo badbaadiyay weerarka kooxaha hubeysan ay ku qaadeen kambaska Garissa University College.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaiserry ayaa sheegay in afar ka mid ah dadkii ka dambeeyay weerarka la diley balse weli uu sii socdo howlgalka.

Dowlada Kenya ayaa ku soo rogtay bandow soconaysa habeenkii oo idil qeybo ka mid ah dalkaas.

Afar magaalo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee Gaarisa, Wajir, Mandhera iyo Tana River ayaa bandowgan uu saameyn ku yeean doonaa.


Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in sagaal ka mid ah ardaydii wax ka baranaysay jaamacada ayaa dhaawac culus soo gaaray waxaana loo duuliyay magaalada Nairobi si halkaas loogu soo daweeyo.

Ururka Al-Shabaab ayaa u sheegay idaacada BBC-da in ay afduub u haystaan dad masiixiyiin ah balse ay sii daayeen dadka Muslimiinta ah.

Dowlada Kenya ayaa hore u sheegtay in Mohamed Kuno oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab uu ka dambeeyo weerarkan waxaana hore ay ku xirtey madaxiisa lacag gaareysa $217,000 (£140,000).


Mohamed Kano oo loo yaqaano Dulyadeyn ayaa la sheegay in uu maamule ka ahaa dugsi ku yaal Gaarisa ka hor inta uusan ka tagin sanadkii 2007dii.

Ilaa iyo hada ma jirto calaamado muujinaya in weerarka la soo afjaray, hase ahaatee saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegaya in howl galku wali socdo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada