Daawo: “Jawaari isaga ayaaba gobolladiisa laga qaatay, muxuu nooga hanjabayaa” Waxaa yiri…

Daawo: “Jawaari isaga ayaaba gobolladiisa laga qaatay, muxuu nooga hanjabayaa” Waxaa yiri…

daajis.com:- Gudoomiyaha xisbiga UCID ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan, ayaa dhawaan sheegay in baarlamaanka Soomaaliya marka ay kusoo laabtaan kulamadooda iney ka hadli doonaan kala qeybsanaanta Soomaaliya.

Maxamed Jawaari, ayaa si cad u sheegay ineysan aqbali karin in deegaano Soomaaliya ka tirsan loo qaato marka la galayo Passport, sida uu sheegayna baarlamaanka ay arimahaasi ka shaqeyn doonaan.

Faysal Cali Waraabe, oo arintaasi ka jawaabay ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay cadow badan ayna iska celin doonaan dadka doonaya iney burburiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Jawaari isaga naftiisa laga qaatay goboladiisa, sida uu hadalka u dhigay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada