daajis.com:- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii ay maanta la horkeenay.
Maxkamadda oo u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer-ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiramaan Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Maalintii bishu aheyd 22.4.2015 ay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo kala heystay eedeesanayaashan.
Eedeysanayaasha ay maxkamadu xukuntay maanta ayya magacyadooda lagu kala sheegay; C/qani Bashiir Axmed, Axmed-nuur Maxamed, Yuusuf Maxamed Fiidow iyo Maxamed Bootaan Shidane.
Kaaliyaha maxkamadda, Col. Xasan C/raxmaaan Aadan ayaa tilmaamay in dacwooyinka eedeysanayaashan loo haysto uu soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta; kuwaasoo ay ka mid yihiin inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna dilal bareer ah ka geysteen marxuum Guuleed Maallin Maxamed oo ka mid ahaa ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar.
“Gacan-ku-dhiigle, C/qani Bashiir Axmed iyo gacan ku dhiigle, Axmed-nuur Max’ed waxay maxkamaddu ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay dil ay wadajir ugu geysteen marxuum lagu magacaabi jiray, Guuleed Maallin Maxamed,” ayuu yiri Col. Xasan C/raxmaan oo natiijada xukunka maxkamadeed ku dhawaaqay.
Sidoo kale, Maxamed Bootaan Shidane ayay maxkamaddu ku xakuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah, waxayna dowladda la wareegtay saddex qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo RPG ah, kuwaasoo lagu soo qabtay.
Ugu dambeyn, Yuusuf Maxamed Fiidow oo ka mid ahaa Afartii eedeysane ee maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada ayaa waxay amar-tay in lagu sameeyo dhaqan-celin, maadaama ay ku caddaatay inuu Al-shabaab ka mid ahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at