daajis.com:- Wasaarada Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin ku aadan weeraro Ururka Al Shabaab ay ka geysan rabaan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga.
Maxamed Yuusuf Cismaan oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya uu helay xogo ku saabsan weeraro Al Shabaab ay ka fulin rabaan Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Maxamed Yuusuf in Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan Masaajidada Muqdisho, goobaha waxbarashada, Isbitaalada iyo Suuqyada ay isugu yimaadaan Bulshada si buu yiri ay ugu laayaan umadda Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at