Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Gaarisa iyo Nin kasoo Baxsaday Al Shabaab oo ka hadlaya Xaalka!!

Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Gaarisa iyo Nin kasoo Baxsaday Al Shabaab oo ka hadlaya Xaalka!!

daajis.com:-  Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in wali dabley hubeesan oo katirsan Dagaalyanada Xarakada Al-Shabaab ay dad ku dhax heestaan dhismaha Jaamacada Gaarisa.
Halkaa ka Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Gaarisa iyo Nin kasoo Baxsaday Al Shabaab oo ka hadlaya Xaalka!!
Dad ku dhaw dhaw Dhismaha Jaamacada ayaa ku waramaya in wali maqlayaan rasaas ka dhax dhaceysa Dhismaha Jaamacada ay ku jiraan dableydii saakay aroor hore weerarka ku galay,

waxaana wali Ciidamada amaanka isku dayayaan in ay si buuxda ula wareegaan dhismahaasi. Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa arday kasoo saaraay qeyb kamid ah Dhismaha Jaamacada Gaarisa, waxaana dableyda katirsan Al-Shabaab wali gudaha Jaamacada ku heestaan arday aad u badan kuwaa oo intoda badan ah masiixiyiin.
 

Tirada dadka ku dhintay Weerarka Al-Shabaab ku qabsadeen Dhismaha Jaamacada Gaarisa ayaa sii kordhaysa waqtibo waqtiga ka dambeeya, waxaana hada lasoo sheegaya in dhimashadu ay kor u dhaaftay 17-qof halka dhaawacyaduna dhaafeen 60-qof oo kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada