daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa umadda reer Kenya ugu baaqay in ay is dejiyaan lana shaqeeyan hay’adaha ammaanka, warkan ayuu sheegay goor uu ka hadlayay weerarka qorsheysan..
ee saakay lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda ee Magaalada Garissa.
Madaxweynaha Kenya oo Jeediyay Qudbad dhanka Telefishinka ah ayaa sheegay in la qaaday talaabooyin lagu doonayo in lagu soo afjaro dableyda hubeysan ee weli heysata Dhismaha Jaamacadda Garissa.
Madaxweynaha, ayaa waxa uu dadka reer Kenya uu ugu baaqay inay is dejiyaan, kana codsaday inayla shaqeeyaan hay'adaha Amniga.

Madaxweynaha waxa uu xilligan ku sheegay xilligii cid kasta oo Kenyan ah, ay feejignan samayn laheyd, lagana wada qayb qaato ka hortagga weerarada waxa uu ugu yeeray argagaxisada.
Madaxweynaha, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay beegsadaan dadka rayidka ah, ee bulshada ugu nugul, iyagoona u dilaaya wax aan diin shaqo ku lahayn.
Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa wali la tacaalaya dablaydii Saakay weerarka ku Qaaday xarunta Jaamacadda ee Magaalda Gaarissa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:34 and have
, Published at