VIDEO:- Al Shabaab oo Wali Laga Saari La’yahay Goobaha ay Jaamacadda Ka Haystaan

VIDEO:- Al Shabaab oo Wali Laga Saari La’yahay Goobaha ay Jaamacadda Ka Haystaan

daajis.com:- Dagaalyahanada Al Shabaab ee Saakay xooga ku galay Jaamacadda (Garissa Universaty) ayaa wali waxa ay haystaan Qaybo ka mid ah Jaamacadda.

Ciidamada Kenya ayaa sheegtay inay hadda hal meel la’isugu geeyeen xoogaga weerarka soo qaaday ee weli gudaha ugu jira Dhismaha Xarunta Jaamacadda ee Magaalada Garissa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa waxay sheegtay in Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen saddex ka mid ah Dhismooyinka Jaamacadda Garissa, halka midda kalana ay isugu taggeen Shabaabkii weerarka soo qaaday.
 


Wasaaraddu waxay rajo ka qabtaa in la soo gaba gabeeyo dagaal-yahanada Al Shabaab ee ka dhex dagaalamaaya Dhismaha Jaamacadda, walow ay jiraan arday Maxaabiis ahaan loogu dhex heysto Jaamacadda.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay in Dhismaha Jaamacadda Garissa lagu dhex dilay qaar ka mid ah ardayda Masiixiyiinta ah.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee Kenya ayaan wali u suurto galin in ay la wareegaan gacan ku haynta Xarunta Jaamacadda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada