daajis.com:- Meydadka 3 kamid ah kooxihii weeraray Jaamacadda Garrisa, ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay fagaare ku yaal bartamaha magaalada Garrisa, halkaasoo ay isugu soo aruureen dadweyne aad u farabadan.
Sidoo waxaa lasoo bandhigay Gabar 19 jir ah oo lagu magacaabo Cynthia Cheroitich, taasoo kamid ah ardaydii ka badbaaday musiibada, kadib markii ay 2 maalmood kuhoos jirtay Rooga hoostiisa.
Boqolaal qof oo aad u murugeysan oo qaarkamid ah caruurtooda ay kamid noqdeen kuwii lagu xasuuqay Jaamacadda, ayaa isugu soo baxay barxada lagu soo bandhigay meeydadka kooxihii sida arxan darada ah u xasuuqay ardayda.
Doowlada Kenya, ayaa wali si rasmi ah shaaca uga qaadin jinsiyada meydadka raggii weeraray Jaamacadda Garrisa.
Dhanka kale Ms Cheroitich, ayay ciidamada Kenya shalay kasoo saareen gudaha Jaamacadda, kadib markii ay mudo 2 maalin ah ku dhexjirtay armaajo dharka lagu rito.
Ms Cheroitich, ayaa markii ay rasaasta bilaabatayba ku dhuumatay armaajo dharka lagu rito iyadoona ku jirtay mudo 2 maalin ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:10 and have
, Published at