DAAWO:- Xafladda Sanad Guurada 4aad oo Ka soo Wareegtay dib u Howlgelintii Warbaahinta Soomaaliya

DAAWO:- Xafladda Sanad Guurada 4aad oo Ka soo Wareegtay dib u Howlgelintii Warbaahinta Soomaaliya

daajis.com:- Waxaa caawa si habsami leh u socda Xuska maalinta Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay dib u howlgelinta Telefishinkta Qaranka, Radio Muqdisho iyo dib u furista Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa caawa ka socota xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Xafladani oo sida heerka sare ah loo soo abaabulay ayaa caawa waxaa ka qayb galaya

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Xafladda ayaa waxaa iminka ku sugan madax kala duwan, oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mudane Cabdikariin Xasan Jaamac.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow oo tilmaamay in u jeedka xafladdu caawa ay tahay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Telefishinka iyo Radio Muqdisho oo umadda u haya howlo lagama maarmaan ah.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada