VIDEO:- Dowladda Jabuuti oo Muwaadiniinteeda ka soo Daad Guraynaysa Dalka Yemen

VIDEO:- Dowladda Jabuuti oo Muwaadiniinteeda ka soo Daad Guraynaysa Dalka Yemen

daajis.com:- Dalka Jabuuti ayaa bilaabay daad guraynta muwaadiniinteeda ka joogay dalka Yemen, dowladda ayaa waxay dadkani u soo dirtay Markab, ka dib markii xaalad cakiran ay kala soo deristay dalkaasi.

Jabuuti, ayaa ka hortagtay in dadkeeda uu saamayn ku yeesho qalalaasaha ka jira dalka Yemen, waxayna dadaal badan ku bixisay sidii ay dhulkooda ugu soo celin laheyd. Dekeda Magaalada Djibouti ayaa waxaa lagu arkaayay iyadoo ay ka soo deganayan dadka laga soo daabulayo dalka Yemen.


Dhanka kale Waqooyiga Jabuuti, ayaa waxaa laga sameeyay xero qaxooti oo loogu talla galay qaxootiga reer Yemen, ee dalkooda isaga soo barakacaaya.

Halkaan Hoose ka Daawo


Toddobaadkan oo keliya, ayaa waxaa dalka Jabuuti soo gaaray 686 ruux oo u dhashay dalka Yemen, kuwaa oo ka soo cararay xaaladda cakiran ee dalkaasi ka jirta, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada