daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maalin ka dib dhacdadii Jaamacadda Garissa Telefishinka qudbad ka jeediyay, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay in jawaab kulul ka bixiso weerarkii lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda Garissa.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka taageerada ku bixinaya weerarada ka dhacaaya dalka Kenya, ay ku dhex jiraan bulshada reer Kenya, loona baahan yahay in dadkaasi hal meel looga soo wada jeesto.
Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in la jooggo xilligii dadka reer Kenya ay ka wada qayb qaadan lahaayen la dagaalanka argagaxisada, si looga gudbo khatarta ay ku yihiin dalka Kenya.
Halkaan Hoose ka Daawo
Waxa uu ka dhawaajiyay in argagaxisada aynaan halis ku ahayn dadka aan Muslimka ahayn oo keliya, balse ay khatar ku yihiin Muslimiinta, ayna horey dad Muslimiin ah ugu dhex dileen Masaajido, malcaamado/dugsi Qur’aan iyo weliba guryahooda.
Ka dib weerarkii Jaamacadda Garissa, ayuu sheegay inay kulamo ka yeesheen wixii ay noqon laheyd fal celinta Kenya ka bixineyso weerarkasi, isla-markaana ay falcelinta Kenya noqon doonto mid kulul, sida uu yiri.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta wax tafaasiil ah kama aanu bixin nooca ay noqon doonto jawaabta kulul, balse waxa uu muujiyay in Kenya ay Al Shabaab ula dagaalami doonto, si ka duwan sidii hore.
Dhanka kale Madaxweyne Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay in saddex maalin oo baroordiiq loo sameyndoono, dadkii faraha badnaa ee Khamiistii lagu laayay weerarka Jaamacadda Garissa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at