Maxaabis ka soo fakatay Yemen oo soo gaartay Puntland

Maxaabis ka soo fakatay Yemen oo soo gaartay Puntland

daajis.com:- Puntland oo horay uga tigtay khatarta ka imaan karta dalka Yemen ayaa waxaa soo gaaray maxaabistii ugu horreeysay oo kasoo baxsatey xabsiga Mukallah ee dalka Yemen, halkaasoo maalmo kahor ay la wareegeen mileeshiyaad ka tirsan Al-qaacida.

Xabsiga ay dadkan ka soo baxsadeen waxaa dagaal kula wareegay kooxda Ansarul Shariicah,waxaana markii ay dagaallamayasha kooxda gudaha u galeen xabsiga ay albaabada u balaqeen maxaabistii ku xirned oo qaar kamid ah horey loogu xukumey dil iyo xabsi daa’im. Dadka xabsigaas ka baxsadey waxaa ku jirey hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-qaacida laguna magacaabo Khalid Badrifi iyo ugu yaraan 45 qof oo Soomaali ah.

Mahdi Cali Siciid iyo Cabdullahi Axmed ayaa ka mid ah Soomaalida ka soo baxsatay xabsiga,kuwaaso hadda soo gaaray Puntland gaar ahaana magaalo xeebka Boosaaso oo xarun u ah gobolka Bari,sida waxaa baahisay idaacadda VOA-da.


Hadal ay bixiyeen labadana nin ayaa Mahdi Cali waxuu sheegay isgaoo ka warramayay sida ay wax u dhaceen in weerarka kahor loo sii sheegay xabsiga in lasoo weerari doono iyo weliba inay isu diyaariyaan sidii ay u baxsan lahaayeen. Nus saac kadib markii weerarku dhacay ayuu sheegay in dhammaan maxaabiistu ku guuleysteen inay xabsiga ka baxaan.

“Anniga muddo shan sanno ah ayaan xabsiga ku xirna,waxaana laygu eedeeyay burcad badeen-nimo,waxaana laygu xukumay tobon sanno,hadda-se waan ka soo baxsanay,”ayuu yiri Mahdi.

Cabdullaahi Axmed ayaa isna sheegay in muddadii uu hawlgalka baxsashadu socdey afar qof oo Soomaali ah dhaawacmeen, kuwaasoo labo kamid ahi lugaha ka jabeen kadib markii ay derbiga dheer ee xabsiga ka boodeen.

Puntland ayaa guddi u saartay sameynta uu yeelan karo dagaalka ka socda dalka Yemen oo ay xadduud badeed wadaagan,waxaana maalmihii dambe soo gaarayay xeebaha bari dad ka soo cararay dagaallada ka socda dalkaas oo ay Soomaali badan ku noolayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada