daajis.com:- Khasaaraha ka dhashay dhul gariirkii ku dhuftay dalka Nepal ayaa sii kordhaya, iyadoo ay socdaan taageero caalami ah oo lagu baadi goobayo dad badan oo la la’yahay, iyadoo dalal badan oo caalamka ka socda ay u direen Kooxaha gurmadka deg dega.
In ka badan 3,700 oo ruux ayaa ku geeriyooday dhul gariirka cabirkiisu ahaa 7.8, kaasoo gebi ahaanba bur bur xoogan u geystay dhismayaal taariikhi ahaa oo ku yaala magaalada Kathmandu.
Dhul gariirkan ayaa saameeyay 35 ka mid ah 75 degmo ee uu dalka Nepal ka kooban yahay, waxaana uu saameeyay ilaa 30-milyan oo ruux oo ku noolaa dalkaas.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gar gaar waxay buuraha dad saaran ugu geynayaan sahay, waxaana la sheegayaa cimilada oo maanta xumeyd awgeed ay meelaha qaar adkaatay dadaaladii gurmadka ee socday.
Mareykanka, Britain, Japan, Shiinaha iyo dalal kale ayaa u diray dalkaas shaqaalaha gurmadka deg dega, si ay uga qeyb qaataan baadigoobka loogu jiro dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirka, waxaana jira dad laga soo dhex saaray dhismayaasha hoostooda.
Dalka Nepal ayaa ahaa dal taariikh ku lahaa dhismayaal qarniyo dhisnaa, waxaana dalkaas uu dalxiiska ka helaa dhaqaale aad u fara badan
Waa dhul gariirkii ugu xooganaa ee dalkaas ka dhaca muddo 81 sano ah, iyadoo dhul gariirkii ugu cuslaa ee dalkaas soo maray uu dhacay sanadkii 1934, waxaana xilligaas ku dhintay 10-kun oo qof.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:00 and have








