David Cameron oo diiday inuu la doodo Mucaaridka!

David Cameron oo diiday inuu la doodo Mucaaridka!

daajis.com:- Raysalwasaaraha UK ahna hogaamiyaha xisbiga Conservative Party ayaa ka gaabsaday inuu ka qeyb galo dooda xalay loo qabtay hogaamiyayaasha xisbiyada ka qeyb qaadanaya doorashada dalkaasi ka dhici doonta 7da May.

Hogaamiyaha Shaqaalaha (Labour Part) ahna xisbiga labaad Mr. Ed Miliband oo dooda xalay ka baxday Telefishinka ITV ku gacansareeyey ayaa ugu baaqay Raysalwasaaraha inuusan ka cararin dooda, isagoo ugu baaqay David Cameron inuu awood isu yeelo oo uu yimaado madasha dooda.



Dooda tooska telefishinka looga daawado oo loo qabto hogaamiyayaasha xisbiyada dalkaasi UK ayaan ahayn mid caado u ahaan jirtay wadanka Ingiriiska, waxaana doodi ugu horeysay oo nooceeda ah ay dalkaasi ka dhacday 5 sano kahor xiligii David Cameron uu ahaa hogaamiyaha Mucaaridka.

Daawo Hogaamiyaha Mucaaridka Ed Miliband oo fariin u diray David Cameron


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada