daajis.com:- Ciidamada Amniga ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay magaca sawirka mid ka mid afartii qof ee weerartay jaamacadda magaalada Garissa oo ay ku geeriyoodeen 148-qof oo u badnaa aradadii wax ka baraneysay jaamacadda.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa magaca ninkaasi ku sheegtay Abdirahim Mohamed Abdullahi oo haysta dhalashada dalka Kenya, aabihiis ayaa horey u ahaa Gudoomiyihii hore ee deegaanka Buulo Jamhuri oo hoos tagta degmada Mandhera.
Aabaha dhalay wiilkan ayaa horey ugu war galiyay ha’adaha ammaanka ee dalka Kenya in wiilkiisa uu waayay, uuna u maleynayo in uu ku biiray kooxda Al-shabaab.
Aabaha dhalay wiilkan ayaa sheegay in markii ugu danbeysay oo uu la hadlay wiilkiisa ay aheyd sanadkii hore, mana uusan u sheegin meesha uu joogo.
Abdirahim Mohammed Abdullahi ayaa ka qalin jebiyay Dugsiga sare ee WAMY ee magaalada Nairobi sanadkii 2007.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Abdirahim Abdullahi uu sanadkii 2013 ka qalin jabiyay qeybta sharciga ee jaamacadda Nairobi,isagoo ahaa qareen soo baxayay.
Aabaha dhalay Abdirahim Mohammed Abdullahi ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi, isagoo diiday in uu warbaahinta la hadlo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:23 and have
, Published at