Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Garissa

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Garissa

daajis.com:- Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya Maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho islamarkaana uu Shir Gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah.

Arrimaha la sila soo qaaday ayaa waxaa kamid ah Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa,Gudida Xukumaddu ay u Xilsaartay soo Celinta Qaxootiga Soomaaliya iyo Amaanka Dalka.

Afhayeenka Xukumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay si weyn u Cambaareysay Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.

Hay’adda masiibooyinka Kenya ayaa sheegtay in 147 qof ay ku dhinteen weerarka jaamacadda Garissa. Weerarkan oo al-Shabab ay fulisay ayaa waxaa ku dhaawacmay in kabadan 70.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada