daajis.com:- Weerarkii shalay ee Al-shabaab ku qaaday Jaamacadda Garrisa ee lagu dilay 150 Arday, waxay ahayd dharbaaxadii ugu kululeyd ee Al-shabab ku dhufato Kenya, tan iyo weerarkii 1998 Al-Qacida ku qaaday Safaaradda Mareeykanka ee Nairobi.
Weerarkan ayaa sidoo kale ah mid u dhagax dhigaya dagaal dhexmara Muslimiinta iyo Masiixiyinta Kenya.
Si loo fahmo weerarki Khamiista ee shalay, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo in Al-shabaab iyo doowlada Kenya dagaal ka dhaxeeyo.
Weerarki Al-Qacida ku qaaday safaarada Mareeykanka ee Nairobi waxaa ku dhintay 200 qof, laakiin waxaa ka khasaaro iyo dhimasho badan weeraradi is xig xigay ee Alshabaab ka fulisay gudaha Kenya.
Weerarada Al-shabaab ee Kenya, ayaa soo bilaawday 2008, waxaana ay sii xoogeysteen 2011 wixii ka danbeeyay, markaasoo Kenya ay ciidamo u dirtay gudaha Soomaaliya.
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa weerardi ugu xumaa ee Al-shabaab ka fulisay gudaha Kenya.
Shalay Khamiistii xili arooryo hore ah oo ay ardayda Hurdayeen, ayaa waxaa Jaamacadda Garrisa weeraray 4 nin oo wajiyada Soo duubtay oo Alshabaab katirsan.
Waxay rasaas aan kala sooc lahayn ku fureen ardaydi Jaamacadda, iyagoo in badan oo boqolaal ahna ay u qabsadeen afduub ahaan. iyagoona ardayda u kala saaray Muslim iyo Kirishtaan, waxay soo daayeen kuwii Muslimka ahaa waayna toogteen wixii Kirishtaan ahaa.
Ciidamada Kenya oo isku hareereeyay dhismaha Jaamacadda, ayaa xalay xili danbe waxay ku qaadatay ineey toogtaan 4 nin ee gudaha ugu jiray Jaamacada, laakiin waxay ahayd xili ay soo daaheen oo ragga gudaha ku jiray ay madaxa ka toogteen 150 arday.
November 2014: Dilkii Qofkii Aqrin waaya Quraanka.
Bishii December sanadkii hore, ayay ahayd markii rag Alshabaab katirsan ay weerareen dad shacab ah oo Dhagxaan ka qodanayay meel banaanka ka ah Mandera.
Al-shabaab ayaa toogatay dhamaan dadkii dhagaxa qodanayay oo ahaa dad Masiixiyiin ah.
Al-shabaab oo sheegatay weerarkaas, waxay sheegeen ineey ugu aargudayeen Muslimiinta ku nool dhul Xeebeedka Mombasa.
Dagaalyahano Al-shabaab katirsan, ayaa wadada u galay Bus sida dad shacab ah oo kusii jeeday Mandera, al-shabaab ayaa dadka u kala saaray Muslim, iyagoona qofkii aqriya Quraanka sii deeynayay kii aqrin waayana madaxa ka toognayay.
Al-shabaab ayaa sheegtay ineey dhacdadaas ugu aargudeysay falkii ay ciidamada Kenya gudaha ugu galeen masjid ku yaala Mombasa halkaasoo ay ku xasuuqeen dad Muslimiin ah.
Bishii Jully ee sanadkii hore Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Jaziirada Lamu ee Xeebta Kenya, waxayna dileen 22 isugu jira dad shacab ah iyo ciidamo Booliska katirsan, sidoo kale waxay dab qabadsiiyeen saldhigii Booliska Kenya ee halkaas, Hoteelo iyo Guryo.
Kahor Xasuuqi Garrisa ee shalay, weerarkii Westgate waxa uu ahaa weerarkii ugu xumaa ee dhaawac soo gaarsiiya Kenya.
Afar kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab ayaa 4 maalin haystay suuqa Ganacsiga ee Westgate, iyagoona dilay 67 qof, sidoo kale waxaa dumay gabi ahaanba dhismihii Xaruunta.
Al-shabaab waxay sheegtay in weerarkii Westgate uu jawaab u yahay faragalinta Kenya ee Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:01 and have
, Published at