Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay Jabhadda Xuutiyiinta

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay Jabhadda Xuutiyiinta

daajis.com:- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, waxaana sidoo kale la xayiraad la saaray safarka Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta iyo hantidooda.

Qaraarka ayaa sidoo kale waxaa uu dalbanayaa inay dagaalka joojiyaan Jabhada Xuutiyiinta, isla markaana dhamaan dhinacyada isku haya Yemen ay dib u bilaabaan wada hadaladii ay Qaramada Midoobey garwadeenka ka aheyn.

Sidoo kale waxaa qaraarkan lagu xanibay safarada iyo hantida uu leeyahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la sheegay inay taageerayaan Jabhada Xuutiyiinta.

Dagaalada iyo weerarada cirka ah ee ka socda Yemen ayaa dalka waxaa uu ka dhigay mid xaalad bur bur ah geliyay, iyadoo dad badan ay ka barakaceen dalka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 736 ruux ay ku dhinteen Yemen, halka 2,700 ay ku dhaawacmeen tan iyo 26 bishii March ay bilowdeen weerarada cirka ee ay ka wadaan Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.

Dhinaca kale Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa ku tilmaamay qaraarkan ay u codeeyeen Golaha Ammaanka inuu yahay guul u soo hoyatay shacabka dalka Yemen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada