daajis.com:- Horyaalka Foolxumada Adduunka haweeneydii Anne Woods ayaa geeriyootay iyadoo 67 sanno jir ah.
Anne Woods ayaa geeriyootay Isbuuc dhammaadkii ka dib markii ay nolasheeda oo dhan tartan ku gashay adduunka dacalladiisa isla markaana 28 jeer loo caleemo saaray Haweeneyda Adduunka ugu Foolxumada badan.
Anne oo tartanadaas badan soo gashay ayaa laheyd calaamad u gaar ah oo ah inay si cajiib ah u qariso faruurteeda kore si ay foolxumo daran usii yeelato. Sannadkii 1977dii ayeyna markeedii ugu horreysay kasoo muuqatay Crab Fair oo lagu qabtay Egremont, Cumbria.
Si loo xuso taariikhdeeda, Guddiga qabta tartanka Crab Fair ayaa qorsheynaya habab lagu xusuusanayo Anne iyagoo kulmi doona goor dambe oo bishaan ah.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO LAGA QAADAY ANNE WOODS
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at