daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag hubaysan ay saakay xoog ku galeen xarunta Jaamacada Magaalada Gaarisa, Waxaa hadda lamaqlayaa xabadaha ay ridayaan Dagaalyahanadii Goobta soo weeraray.
Dagaalyahanadani ayaa loo maleynayaa inay kamid yihiin Xoogaga Alshabaab, waxa ayna gudaha Jaamacada ku dhex heystaan Ajaanib, iyadoona wararku ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay madaxa galin la’ yihiin Jaamacadda.
Wariyaha VOA ee Magaalada Gaarisa, Maxamed Shire Faarax oo ku sugan meel ku dhaw Jaamacada Magaalada Gaarisa, ayaa soo sheegaya in dagaalkaan uu biloowday saaka markii Salaada Subax loo dareeray ilaa iminkana dagaalka uu socdo.
Halkaan Hoose ka Daawo
Waxa uu sheegay Wariyaha in Jaamacada gudaheeda inay ka dhaceyso rasaas xoogan oo loo maleynaayo inay isweydaarsanayaan rag hubaysan iyo ciidamada ilaalada Jaamacadda ee Booliisk.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at