daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi lagu doortay gudoomiyaha baarlamaanka ee Jubba.
Doorashada ayaa ka dhacday howlka shirarka ee magaalada Kismaayo iyada oo xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Jubbaland ay doorteen gudoomiyahooda.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubba.
Sheikh Cabdi, ayaa si KMG ah xilkaasi usii hayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana maanta xildhibaanada ay u doorteen gudoomiyaha rasmiga ee baarlamaanka Jubbaland.
Waxaa durba la bilaabay qaban qaabada caleemo saarka gudoomiyaha baarlamaanka ee cusub iyo xaflad loo sameynayo guud ahaan xildhibaanada Jubbaland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:00 and have

