Qoxooti Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Yemen kaddib markii ay Duqeeyeen Diyaarado Dagaal

Qoxooti Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Yemen kaddib markii ay Duqeeyeen Diyaarado Dagaal

daajis.com:- (HOL) — Ugu yaraan 30-qof oo Somali ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kaddib markii duqeymo lala beegsaday laba bas oo ay la socdeen, kuwaasoo kusii jeeday magaalada Cadan oo Koonfurta dalka Yemen ku taalla.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen basaskan oo ay la socdeen dad ay ka mid yihiin Soomaalida ku dhimatay duqeynta, iyadoo aan weli la sheegin dalka iska leh diyaarada duqeyntan geystay.

Howlwadeennada Safaaradda Somalia ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay inay duqeynta ku dhinteen 30-qof oo Somali ah, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn inay rag ahaayeen iyo inay dumar ahaayeen.

“Diyaaradaha duqeynta geystay waxaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kuwa dalka Sucuudigu uu horkacayo ee duqeymaha kawada dalka Yemen,” ayuu ku yiri wareysi uu BBC-da siiyay wariye ku sugan dalka Yemen oo Axmed Cabdi Aadan lagu magacaabo.

Soomaalidan ku Geeriyootay duqeynta ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Al-Qaraz ee Yemen, kuwaasoo qorshahoodu ahaa inay dib ugu soo laabtaan Somalia.

Xukuumadda Somalia oo sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii ay Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku xayiran u soo qaadi lahayd ayaan weli ka hadlin dhimashada qoxootigan Soomaaliyeed ee Yemen ku sugnaa.

Qoxootigan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Yemen ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii ugu dambeeyay ay illaa 2,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah ay ka soo carareen colaadaha dalka Yemen ka socda, kuwaasoo soo gaaray Boosaaso-Puntland iyo Berbera-Somaliland.

Dhanka kale, maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jiray xabsi magaalada Mukallah ee Koonfurta dalka Yemen ayaa la sii daayay, kuwaasoo ay ku jireen kuwo ku xukunnaa xabsi sannado badan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Yemen waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya ciidammada dowladda itaalka daran ee dalkaas iyo xoogagga Xuuthiyiinta ah ee dalka Yemen, iyadoo sidoo kalena Yemen ay duqeymo ka wadaan dalal uu hoggaaminayo Sucuudiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada