daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso qof qorsheynayay weerar lagu qaado xarunta baarlamaanka Kenya, qofkaasoo ka mid ah ilaalada Mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Madaxa danbi baarista Kenya Ndegwa Muhoro ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qofkan la tuhunsan yahay, lana weydiinayo su’aallo, waxaana la xeray axadii iyadoo loo haysto abaabulida weeraro argagixiso oo lagu bartilmaameedsado xarunta baarlamaanka Kenya.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday in Ali Abdulmajid oo muddo dheer shaqaale u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegtay in ruux fulin lahaa weerarka argagixiso uu u fududeynayay qofkani la qabtay. Warbixino qarsoodi ah oo ay saxaafadu heshay ayaa sheegay in Alshabaab ay u soo dirtay rag weeraro xoog leh ka geysta goobo muhiim ah dalka Kenya.
Goobaha la bartilmaameedsanayo ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kaniisad ku taal magaalada Nairobi, Jaamacada Nairobi iyo Baarlamaanka dalka Kenya, waxana warbixintan ay soo xiganaysaa Abdulmajid.
“Kooxda waxa ay qorsheynaysay inay u isticmaasho qofkii howsha fulin lahaa ruux xiriir la leh masjidka Pumwani Riyadh Mosque isla markaana ka ah shaqaale baarlamaanka,”ayaa lagu qoray warbixinta.
Booliska Kenya ayaa sheegay in Abdulmajid uu caan ka yahay masjidka Pumwani Riyadh iyadoo dowlada Kenya Masjidkaas ay ku tilmaantay in laga maalgeliyo argagaxisada.
Sidoo kale Abdulmajid ayaa warbixin ay daabaceen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee wadamada Soomaliya iyo Eritrea 2011 waxa ay ku sheegeen in uu xiriir la leeyahay argagaxisada hase yeeshee eedeyntaa ayaan loo qaban Abdulmajid.
Senator Hassan Omar oo wakiil ka ah deegaanka xeebta Mombasa oo si wanaagsan u yaqaan Abdulmajid ayaa sheegay in uu shaki weyn ka qabo in eedeeymahaas run yihiin.
“Maalmahaanba dowlada xadka ayay ka sii baxaysay qofka in la xiro waxa uu u baahan yahay oo kaliya in labiskiisu uu noqdo mid Muslimiinta lagu yaqaan,”ayuu yiri Omar Hassan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:00 and have
