Xaalad deg deg iyo Bandow todobaad ah oo lagu soo rogay magaalo ku taal Mareykanka

Xaalad deg deg iyo Bandow todobaad ah oo lagu soo rogay magaalo ku taal Mareykanka

daajis.com:- Rabshadaha ka socda magaalada Baltimor ee Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa sii xoogeystay, iyadoo la gubay baabuur boolis, goobo ganacsi, lana bililaqeystay dukaamo ganacsi.

Ciidamada Ilaalada Qaranka oo gaaraya ilaa shan kun askari ayaa loo diray magaaladaas, si ay xasiloonida u soo celiyaan, waxaana isku dhacyo dhex maray dibad baxayaasha iyo ciidamada booliska ku dhaawacmay ilaa 15 askari.

Duqa magaalada Baltimore Stephanie Rawlings-Blake ayaa sheegtay in ciidamadan ilaalada qaranka la dhigi doono wadooyinka, si ay uga qeyb qaataan amniga.

Rabshadahan ayaa xoogeystay, markii maalinimadii Isniintii uu dhacay aaska nin madow American ah, kaasoo geeriyooday 19-kii bishan April, kadib muddo todobaad oo uu xaalad kooma ah ku jiray.


Freddie Gray oo 25 jir ah ayaa la dhaawacay, iyadoo dhacdadaas shaqada looga joojiyay saraakiil iyo ilaa lix askari boolis ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kiiskaas.

Bandowgan oo soconaya muddo todobaad ah ayaa bilaabanaya maanta oo Talaado ah xilliga Mareykanka, iyadoo la xiri doono dhaman Iskuulada iyo goobaha bulshada isugu tagto.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada