daajis.com:- Qaar ka mid ah ardaydii lagu diley weerar lagu qaaday Jaamacada Garis ayaa la geeyay magaalada Nairobi iyadoo qeybtii ugu horeysay oo ka koobnayd 48 ay geysay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Kenya.
Maydadka ayaa loo gudbiyay Chiromo Mortuary halkaa oo ay qoysaska ardaydoodu ku waayay Garissa la doonayo in ay aqoonsadaan.
Sidoo kale dowlada Kenya ayaa u daadgureynayso ardaydii ka badbaaday weerarkii ay sheegteen ururka Alshabaab 500 oo arday magaalada Nairobi. Waxayna dowlada Kenya sheegtay in ay bixinayso dhammaan wixii kharash ah ee ku baxaya ardayda ku dhaawacantay weerarkii ay dableyda hubeysan ku qaaday Jaamacada Garissa.
Dhinaca kale waxaa ka dhaqangalay bandow habeenkii oo idil soconaya afar magaalo oo ku dhow xadka Kenya la leedahay dalka Soomaaliya.
Magaalooyinka oo ay ku jiraan Garissa,Wajeer,Tana River iyo Mandhera ayaa waxaa saameyn ay ku yeelatay nolosha dadka ku nool magaalooyinkaas.
Bandowgan ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday jaamacad ku taal magaalada Garissa ay ku dhinteen dad gaaraya 147 ruux halka dadka dhaawaca ahna la sheegay in ay gaareen 80 ruux.
Dowlada Kenya ayaa soo bandhigtay sawiro dad ay ku tilmaantay inay ka tirsan yihiin Alshabaab kuwaasoo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan dalka Kenya. Raggan ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Muumin Abdalla Muumin, Suleiman Mohamed Awadh, Abdifatah Abubakar Abdi aka Musa Muhajirm, Abdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed and Mahir Khalid Rizik oo badankood ay yihiin kuwo ka soo jeeda gobolka Xeebta dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa ka codsatay shacbka reer Kenya inay ku soo wargeliyaan ciidanka ciddii aragta raggan ay soo bandhigtay magacyadooda iyo sawiradooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:18 and have
, Published at