weerarki Garrisa Kadib Uganda oo wadnaha farta ku haysa

weerarki Garrisa Kadib Uganda oo wadnaha farta ku haysa

daajis.com:- Waxaa heegankii ugu sareeyay la galiyay ciidamada Uganda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in al-shabaab ay damacsantahay ineey weerarto goobaha waxbarashada Uganda.

Kale Kayihura,Taliyaha booliska Uganda,  ayaa sheegay in Uganda ay hadda ku jirto feejignaan sare.

Waxa uu sheegay in ururka Al-shabaab uu doonayo weerarro uu ku bartilmaameedsado xarumo waxbarasho oo ku yaalla wadada isku xirta magaalooyinka Kampala iyo Jinja.

Dalalka Uganda iyo Kenya ayaa bartilmaameed u ah weerarrada Shabaab, maadaama ay labadaasi dal ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Khamiistii lasoo dhaafay, al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ku dishay 147 qof.

Weerarkaasi ayaa dhacay ka dib markii ay dowladda Britain, Kenya uga digtay weerarro uga iman karo Shabaab, balse madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa si shaac baxsan ugu gacan sayray digiintaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Shabaab ku qaado Uganda ayaa dhacay sanadkii 2010-kii, waxaana ku dhintay dad ka badan 70 qof.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada