Muuqaal farxad ah oo laga soo qaaday dhoola tuskii ciidanka xooga Dalka Ee shalay..

Muuqaal farxad ah oo laga soo qaaday dhoola tuskii ciidanka xooga Dalka Ee shalay..

daajis.com:- Munaasabado lagu xusayay sanadguurada 55 aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Wasiiro,Xildhibaan, saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ururada Haweenka ayaa kasoo Qayb galay.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga ayaa salaan sharaf siiyay mas’uuliyiinta munaasabadda ka qeybgashay oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan, iyadoona Ciidamada qeybahooda kala duwan gaardi ka cayaar qurux badan goobta ay ku soo bandhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay gaadiidka ay leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka oo noocyo kala duwan isugu jira, Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa munaasabad ka qeyb qaadanayay ayagoo Heeso iyo Ruwaayado ka hadlaya ahmiyadda Ciidanka Xooga uu dalka u leeyahay.


HALKAN KA DAAWO VIDEO



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada