Prof. Jawaari: Ma ogolaan doono in gobolada dalka sida Hargeysa lagu galo baasaboor

Prof. Jawaari: Ma ogolaan doono in gobolada dalka sida Hargeysa lagu galo baasaboor

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Ku simaha Madaxweynaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dhawaajiyay in dowladda iyo Baarlamaanka ay ka go’an tahay sidii dalka looga saari lahaa kala duwanaanshaha dalka ka jira.


Prof. Jawaari ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacday xalay Xarunta Madaxtooyada, isagoo sheegay in Baarlamaanka iyo dowladdaba ay go’aan ku gaareen inay dalka ka saaraan kala qoqobka, isla markaana shacabka laga wacyi geliyo arrimaha Soomaaliya dhibka u keenay.

“Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dowladda waxaa go’aan ku gaarnay Soomaaliya inaan ka bixino kala qoqobka, Gobol keligiis u istaagi karo ma jiro, in la kala qoqobo ma ahan, ma ogolaan karo meel ka mid ah dalka in baasaboor lagu galo, sida Hargeysa”ayuu yiri Jawaari.


Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maamul goboleedyda dhisan iyo kuwa dhismi doono sanadkan wixii ka dambeeya lala xisaabtami doono, gaar ahaan Wasaaraddaha ku shaqada leh ay si gaar ah ula xisaabtami doonaan.

“Dowlad ahaan aniga iyo Madaxweynaha waa wada tashanay, waxaa rabnaa shacabka inaan awooda siino, waxay rabaan inaan u diiwaan gelino”ayuu hadalkiisa ku sii daray Jawaari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada