daajis.com:- Qaraxan waxaa lugu xiray gaari uu watay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ah madaxa hay’adda Nordic international Support oo Gaalkacyo ka hirgalisay nalalka ku shaqeeya cadceedda.
Labo ruux oo la sheegay inay ahaayeen haween ayaa ku dhaawacmay qarax lugu xiray gaari oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo..
“Gaariga waxuu ku qarxay meel wax yar u jirta Idaacadda radio Gaalkacyo,waxuuna dhacay markii uu gaariga ka dagay Dhabancad,labo gabdhood oo meesha maraysay ayaana ku dhaawacantay,”ayuu yiri Maxamed Cismaan oo ku dhawaa meesha uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,mana jirto wali wax war ah oo ka soobaxay,balse waxaa la sheegay inay baarayaan sida uu qaraxan u dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:51 and have




