daajis.com:- Burundi ayaa hareeyay mowjado cusub oo dibad baxyo ah, iyadoo kooxaha mucaaradka ay ka soo horjeedaan in mar saddexaad uu isu soo sharaxo Madaxweynaha Talada haya ee Peirre Nkurunziza.
Rasaas ayaa la maqlayay, iyadoo qeybo ka mid ah wadooyinka Bujumbura ay xiran yihiin maalintii saddexaad oo ay dibad baxyo ballaaran ay socdaan
Booliska ayaa u diiday ardayda inay ka qeyb qaataan dibad baxyada ka socda magaalada labaad ee Bitega, halkaasoo dibad baxyada ay ka socdaan.
Dibad baxyadan ayaa ah kuwii ugu xooganaa ee Burundi ka dhaca dhaca, tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye sanadkii 2005.
Ciidamo fara badan ayay dowladda u dirtay goobaha ay rabshadaha ka socdaan, si ay u xakameeyaan, iyadoo meelaha qaar ay isku dhacyo ku dhex marayaan dibad baxayaasha iyo ciidamada.
Qadadka taleefanada ayaa meelaha qaar ka maqan, iyadoo qalalaasaha dalkaas ka socdana laga yaabo in looga doodo shirka Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika.
Sidoo kale waxaa iyana taleefanada laga jaray Idaacadaha gaarka loo leeyahay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadanayaan dibad baxyada.
Bisha Cas ayaa sheegtay in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen dibad baxyada bilowday maalintii Axadii.
Madaxweynihii hore ee Brundi Peirre Buyoya oo ka dambeeyay heshiiskii nabadda ee lagu soo afjaray colaadii dhinaca qabiilka ee Brundi ka jirtay muddo labaatan sano ka hor ayaa ka digay in dib loogu laabto dagaaladii sokeeye.
Mr Nkurunziza oo ahaa hogaamiyihii hore ee mucaaradka ayaa dalkaas xukumayay tobanaan sano, waxaana uu sheegay inuu mar saddexaad isa soo sharaxi doono, taasoo ka dhalatay dibad baxyo looga soo horjeedo.
In ka badan saddex boqol oo kun ayaa ku geeriyootay dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeya qabiilka laga tirada badnaa ee Tuti iyo qabiilka Hutu uu ka soo jeedo Madaxweyne Nkuruziza
Burundi ayaa waxaa u badan qabiilka Hutu, iyadoo qabiilka laga tirada badan yahay ee Tutsi ay ku nool yihiin, inkastoo awooda dalka ay hayaan qabiilka Hutu.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:43 and have






