daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sanado ka hor su’aalo weydiiyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo hadda ah Madaxweynaha Puntland.
Su’aalaha uu weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa ka mid ahayd weerarada ay Shabaabku ka geysanayn Magaalada Muqdisho, bal inay jirto cid ay Dowladdu kala xisaabtameyso sida dhiigga badan ee ku qubanaayo weerarada amaba inuu jiro la xisaabtan, ay ku sameyso Saraakiisha sar sare ee Ciidamada.
C/weli Maxamed Cali Gaas oo barnaamij dood wadaag ahaa oo TV-ga Universal ku qabtay Magaalada Muqdisho ka qaybgalaayay, ayaa markaasi muujiyay in caqabadda heysataa Dowladdu, ay ku tahay qabyaalad. Cid kastaa oo la doonana in tallaabo laga qaado ay beelahoodu difaacayan.
Muuqaalkan waxaa la duubay bishii November ee sanadkii 2011-ka. Xilligaa Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ahaa Gudoomiyaha Xisbiga PDP. Bishii September ee sanadkii 2012-kiina waxa uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Muqdisho ka qabsoomtay.
Xasan Sheekh iminka waa madaxweynaha Soomaaliya, halka Gaas uu madax ka yahay maamul goboleedka Puntland. Waa adduunka iyo waayahiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
