Xog: Gudiga Farsamada shirka gobollada dhexe oo shaqo joojin sameyn doona haddii aan

Xog: Gudiga Farsamada shirka gobollada dhexe oo shaqo joojin sameyn doona haddii aan

daajis.com:- Wararka aan ka heleyno magaalada Cadaado oo uu ka socda shirka soo xulista Odayaasha keenaya ergooyinka wax dooranaya ayaa sheegaya iney cabasho muujinayaan qaar kamid ah xubno ka tirsan Gudiga Farsamada.

Xubnaha gudiga Farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa ka cabanayo arimo ay ka mid tahay ineysan helin xuquuqda ay lahaayeen muddo bilooyin ah, sida xubno gudiga ka tirsan laga soo xigtay.

Waxay sidoo kale ay sheegeenn iney ka cabanayaan faragelin lagu hayo howlaha gudiga laga doonayo taasi ay dhibaato ku tahay shaqada laga doonayo gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Xubnaha qaarkood oo magacooda qariyay ayaa sheegay in wax xuquuq dhaqaalo aysan helin muddo bilooyin ah, ayna doonayaan iney xaqooda helaan.

Ma aysan cadeyn bilaha ka maqan iyo cidda ay tahay daadka faragelinta ku haya, waxaase looga fadhiyaa iney kasoo dhalaalaan shaqada loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shirka maamul u sameynta gobolada dhexe hiraantii bishaan ka furay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada