Zlatan Ibrahimovic oo eegaya kulanka caawa ee Marseille inuu dhaliyo goolkiisii 100-aad

Zlatan Ibrahimovic oo eegaya kulanka caawa ee Marseille inuu dhaliyo goolkiisii 100-aad

daajis.com:- Weeraryahanka kooxda kubadda cagta PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa kulanka “Clasico” ee ay la ciyaarayaan caawa naadiga Marseille, waxa uuu eegayaa inuu dhaliyo goolkiisii 100-aad ee kooxdiisa, kaddib markii uu u dhaliyey 99 gool 121 kulan oo uu u saftay kooxdan tan iyo markii uu ku soo biiray sanadkii 2012.

Ibrahimovic ayaa haatan waxa uu ka mid yahay todobada ciyaaryahan ee ugu sarreeya oo gool ka dhaliyey kulankan Clasico, waxaana isaga iyo laacibka reer Portugal ee Pauleta uu mid walba kulanka Clasico ka dhaliyey 6 gool.

Codayn ay sameysay shabakadda ciyaaraha ee ka soo baxda waddanka Faransiiska “France Football” ayaa sheegtay in 67% ay aqristayaasheedu soo codeeyeen in weeraryahanka Paris Saint-Germain inuu caawa dhalin doono goolkiisa 100-aad, halka 33% ay soo codeeyeen inuu Zlatan ku guuldarreysan doono inuu gool ka dhaliyo caawa garoonka Marseille ee Velodrome.

Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic waxa uu hadda dhaliyey 99 gool, waxaana 34 gool oo oo ka mid ah uu dhaliyey 45 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkii 2012-2013, 41 gool waxa uu dhaliyey 45 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkii 2013-2014, halka 23 gool uu dhaliyey 27 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkan soconaya marka la isku geeyo isku darkoodu waxa ay ka dhigan tahay in Zlatan uu dhaliyey 99 gool 121 kulan oo uu saftay PSG.


xigasho:- Gool FM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada