daajis.com:- Boqorka Beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Boqorka waxaana Garoonka Aadan Adde ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Imaamka beesha Hiraab, Ugaasyo, Salaadiin, Cuqaal, Wasiiro, iyo Xildhibaano.
“Waxaa safar dheer ku soo maray dalal badan oo caalamka ah, waxaana la soo kulmay Jaaliyadaha ugu waaweyn Soomaalida ee ku dhaqan North America, Yurub iyo Qaarada Africa, waxaana kala soo hadlay in qurba joogta looga fadhiyo iney ka qayb qaataan nabadaynta dadkooda iyo dib u dhiska dalkooda, waxaana aad ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee debadaha ku dhaqan ay ka go’antay iney ka qayb qaataan horumarka dalka” ayuu yiri Boqor Burhaan.
Boqorka ayaa booqashooyinka uu ku marayey dibadaha ku soo gabagabeeyey dalka South Africa oo ay ka jirto dhibaatoyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, waxaana uu kulamo la qaatay wasiiro ka tirsan dowlada madaxweyne Jokob Suma iyo qaar ka tirsan madax dhaqameedyada aadka loo qadariyo dalkaas.
Boqorka ayaa mahadcelin balaaran u soo jeediyey madaxdii soo dhaweysay, wuxuuna sheegay inta uu joogo magaalada muqdisho in ay is arki doonaan madax dhaqaameedyada iyo madaxda ugu sareeysa dalka, wuxuuna kulan la qaatay intii ku sugnaa garoonka diyaaradaha Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at