daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay qaybo ka mid ah furimaha Ciidanka Xooga Dalka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab mudada ka harsan sanadkan jiritaankooda lagu soo gaba gabeeyn doono .
Deegaanadii uu Madaxweynaha maanta kormeeray ayaa waxaa kamid ahaa: Laanta Buuro, Muuri, Nambar 50, Awdheegle iyo Mubaarak, halkaas oo ay fariismo ku lee yihiin Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
adaxweynaha, ayaa min hal darajo dalacsiiyay Ururka Labaad Guutada Shanaad ee Ciidanka Xooga, kuwaas oo Ururka Al Shabaab ka difaacay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at