Ciidamada DF oo isaga baxay deegaanaka Janaale

Ciidamada DF oo isaga baxay deegaanaka Janaale

daajis.com:- Xaalad hubaal la’aan ah ayaa saakay ka jirta deegaanka Janaale ee G/shabeelaha Hoose, kadib markii ay halkaas faarujiyeen ciidamada Milatariga Doowlada Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa shalay gelinkii dambe halkaas ka baxay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in deegaanka aysan wax ciidamo ah ku sugneyn.

Deegaanka Janaale oo ku caan ah wax soo saarka dhinaca beeraha, waxaa horay uga jiray xiisad u dhaxeysa labo beelood oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.


Lama oga in ka bixitaanka ciidamada ay salka ku heyso dagaal beeleedyadii horay uga dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay inay dhegta u taagan tahay, isla markaana ay xalay oo dhan cabsi ku jireen, waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in xoogag ka tirsan Shabaab ku soo wajahan yihiin deegaanka.

Ma jirto illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana horay deegaanka fariisimo ku lahaa Ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo aan ilaa iyo hada iyana la ogeyn inay ka baxeen iyo inay joogaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada