DAACISH:- oo La Wareegtay Marin Xuduudeedkii Ugu Dambeeyay Suuriya iyo Magaalada Jasru-Shuquur oo ay Qabsadeen.

DAACISH:- oo La Wareegtay Marin Xuduudeedkii Ugu Dambeeyay Suuriya iyo Magaalada Jasru-Shuquur oo ay Qabsadeen.

daajis.com:- Mujaahidiinta ayaa Nidaamka dabadhilifka Suuriya kala wareegay Marin xuduudeedkii ugu dameeyay iyo isbitaalka weyn ee magaalada Jasru shuquur.


Nidaamka Nuseyriga wadanka Suuriya ayaa lumiyay marin xuduudeedkii ugu dambeeyay ee uu gacanta ku hayay kadib dagaallo culus oo uu kala kulmay xoogaga islaamiga ah.

Suuriya xukuumadda dabadhilifka ayaa qarka usaaran in ay dhacdo kadib markii magaalooyin muhiim ah lagala wareegay,wararka ka imaanaya xad beenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Ciraaq ayaa xaqiijinaya in ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ay qabsadeen marin xuduudeedka istiratiijiga ah ee Al-tanaf ama Al-waliid.


Guddiga kacdoonka suuriya ayaa xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu ay isku fureen gobollada Al-anbaar iyo Ximis,ciidamada nidaamka suuriya ayaa isaga cararay marin xuduudeedka iyagoona burburiyay taliskii booliska iyo dhismayaasha kale ee muhiimka ah.

Marin xuduudeedka Alwaliid wuxuu ahaa meesha kaliya ee nidaamku gacanta ku hayay horay ayaa looga qabsaday dhammaan marin xuduudeedyada uu dalka Suuriya la wadaago Urdun,Lubnaan,Turkiya iyo Yahuudda.


Dhinaca kale xoogaga kacdoonka iyo mujaahidiinta jabhadda Al Nusrah ayaa si buuxda ula wareegay dhismayaasha isbitaalka guud ee magaalada Jasru shuquur oo muddo 30 maalmood ah ay ku go’doonsanaayeen ciidamada nidaamka Nuseyriga ah.

Wararka idlib ka imaanaya ayaa xaqiijinaya in boqolaal katirsan cadawga lagu dilay dagaalka halka kuwa kale ay baxsadeen,waa saldhiggii ugu dambeeyay ee cadawgu uga sugnaa magaalada Jasru shuquur ee xurta ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada