Daawo:- Floyd Mayweather oo ku guuleystay Tartanka Feerka Qarniga

Daawo:- Floyd Mayweather oo ku guuleystay Tartanka Feerka Qarniga

daajis.com:-  Tartankii feerka ee sida aad ah loo wada sugayay ayaa waxaa uu goor dhow oo saqdii dhexe ee saacada Mareykanka waxaa uu ku soo gaba gaboobay magaalada Las Vegas.

Feerka qarniga oo ay ciyaarta kama dambeysta isugu soo baxeen Floyd Mayweather oo ah feeryahan Madow Ameerikaan ah iyo Manny Pacquiao oo u dhashay dalka Philipinne.

Tartanka Feerkan oo muddo toban sano la sugayay ayaa waxaa laga daawanayay adduunka oo dhan, waxaana feeraryahanka caanka ah Floyd Mayweather aan laga badin 48 tartan.

Labada Feeraryahan ayaa 12-kii wareeg ee ay ciyaareen aan labada nin dhulka la dhigin, hase ahaatee Floyd Mayweather oo feerarkii cuslaa tuurayay waxaa uu helay dhibco, sida ay go’aamiyeen Garoosaraaysha

Floyd Mayweather ayaa helay dhibco dhan 118-110, halka dhigiisa Manny Pacquiao uu helay 116-112, waxaana sidaas lacagtii tartanka taalay eee 300-milyan waxaa uu helay Floyd Mayweather 180 milyan, halka Manny Pacquiao uu helay 120 Milyan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada