Daawo Muuqaal "Gabdhaha Dalka Indooniisiya ee doonaya inay ku biiraan ciidamada oo shuruud la yaab leh lagu Xiray!!

Daawo Muuqaal "Gabdhaha Dalka Indooniisiya ee doonaya inay ku biiraan ciidamada oo shuruud la yaab leh lagu Xiray!!

daajis.com:- Gabdhaha Dalka Indooniisiya ee damacsan inay ku biiraan ciidamada dalkaas ayaa waxaa la sheegay inay la kulmaan ama lagu xiro shuruud la yaab leh oo aan horey loo arkin islamarkaana dhalisay muran iyo is qab qabsi baaxad weyn iyadoona ay sidoo kale ay arintaas ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah gabdhaha dalkaas Indooniidiya oo ah dal Muslim ah. 

Halkaan ka Daawo Gabdhaha Dalka Indooniisiya ee doonaya inay ku biiraan ciidamada oo shuruud la yaab leh lagu Xiray!!

Gabdhaha dalkaas Indooniisiya ee rajada ka leh inay ka mid noqdaan ciidamada dalkaas Indooniisiya ayaa waxaa la sheegay inay hortaalo sharuud la yaab leh islamarkaana ka yaabisay qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka, Gabdhahan ayaa waxaa lagu xujeeyaa inay yihiin BIGRO ama aysan waligood wax nin ah aysan u tagin ka hor inta aysan ka mid noqon ciidamada dalkaas Indonesia iyadoona ay arintaas ay keentay inay qeylo dhaan ay ka keenaan heyadaha u dooda xaquuqul Insaanka kuwaas oo ku tilmaamay arintaasi inay tahay midab kala sooc islamarkaana wax loogu dhimaayo sharafta haweenka dalka Indooniisiya. 




Ugu dambeyntiina iyadoo gabdhahaas u dhashay dalka Indooniisiya ee damacsanaa inay ku biiraan ciidamada dalkaas lagu xirey shuruudaas ah inay yihiin Bigro ayaa qaar ka mid ahaa haweenkii hore ee ka shaqeyn jirey ciidamada waxay sheegeen inay arintaas ay tahay mid aan wanaagsaneyn, Laakiin madaxa ciidamada dalkaas Indooniisiya ninka lagu magacaabo General Moeldoko ayaa waxaa uu difaacay arintaas asaga oo ku tilmaamya inay tahay mid kor loogu qaadaayo muraalka iyo niyada haweenka reer Indooniisiya ee damacsan ka mid noqoshada ciidamada dalkaas indooniisiya asagoona sidoo kale gebi ahaanba meesha ka saarey inay ka noqdaan ama ay joojiyaan shuruudaas ay ku qaataan gabdhaha ka mid noqonaayo ciidamada dalkaas Indooniisiya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada