Wasiirka Gaashaandigga oo maanta soo Sahmiyay goob laga Hirgalin rabo xero Ciidan: SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandigga oo maanta soo Sahmiyay goob laga Hirgalin rabo xero Ciidan: SAWIRRO

daajis.com:- Waxaa maanta Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka tirsan maamulka Jubba oo uu kamid yahay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba Janaraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ..


Ayaa socdaal lug ah ku soo mareen deegaanka loo qorsheynayo in xero tababar looga dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Col, Badri Shiikh Ismaciil oo ku hadlayey magaca ciidanka dowladda ee mar hore laga soo xareeyey deegaanka Goobweyn ayaa waxaa uu sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin booqashada wasiirka gaashandhiga uu maanta ugu yimid iyo qorshaha uu wado ee ku aadan dhismaha ciidan qaran oo la isku dhafay.


“Waxaa u hanweynahay dadaalka aad wado inuu noqonayo midkii loo baahnaa, maxaa yeelay dalkeena ciidan qaran oo khibrad leh ayuu u baahan yahay, waliba aan midab gaar ah laheyn” ayuu yiri Col, Badri Shiikh Ismaaciil.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubba Janaraal, Cabdilahi Shiikh Ismaaciil “Fartaag” ayaa isagana sheegay ka maamul ahaan inay soo dhaweynayaan dadaalka uu wado wasiirka gaashaandhiga, halka uu ciidanka ay maanta booqdeen ugu baaqay inay u dhaga-nuglaadaan howsha ciidanka qaran ee la wado.

Wasiirka gaashaandhiga Janaraal, Cabdiqaadir Shiikh Cali “Diini” oo hadal u jeediyey ciidanka dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay Ciidanka muujiyeen dulqaad badan iyo dhabar-adeeg,islamarkaana ay dowlada Soomaaliya ka warqabto ciidanka meelkasta oo ay joogaan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada