daajis.com:- Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu bur buriyey ilaa Afar goobood oo ahaa xarumo ganacsi ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalkaas Mareykanka.
Wiil Soomaali ah oo la sheegay inuu ka carooday ka dib markii ay adeeg u sameyn waayeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu ganacsiyadaas uu bur buriyey islamarkaana uu dhibaato u geystay dhismayaasha ay ku jireen ganacsatadaas Soomaaliyeed, Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac oo 37 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka xanaaqay ka dib markii dalabkiisa raashin ama cunto uu dalbaday uu u heli waayey sidii rabay asagoona intaas ka dib uu ninkaasi uu jajabis ugu dhaqaaqay ilaa iyo 4 goobood oo ganacsi ay ku lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah ee dhibaateeyey ganacsiyadaas Soomaaliyeed ay booliisku ay xabsiga dhigeen markii dambe ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen ayaa waxay wararku sheegaayaan in goobaha uu ninkaasi uu waxyeeleeyey ay ka mid ahaayeen goobo ay ka howlgalayeen xawaaladaha Soomaalida, Ninkaan oo ay Booliisku ku soo eedeeyeen ilaa laba eedeeymo oo ku saabsan bur burintaas ayaa albaabka uu jabiyey lagu qiimeeyey inuu gaaraayo ilaa iyo kun doolar, ninkaan ayaa bur burintaas waxaa uu isticmaalay dhagax iyadoona ninkaan oo dhawaantaan maxkamada la hor keeni doono lagu xirey sii deyntiisa lacag damiin ah oo gaareyso ilaa iyo 7000 oo doolar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at