daajis.com:- Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar ku galay Hotel kuyaala Magaalada Kaabul ee Caasimada Dalka Afgaanistan, waxaana Hotelkan inta badana dagnaa dadka ajaaniibta ah ee ku sugan Dalkaasi .
Ciidamada Booliska Magaalada Kabul ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 11-qof , waxaana Israsaaseyn saacado badan socotay uu ka dhacay Dhismaha Hoteelkaasi ay gudaha u galeen Kooxaha hubeesan.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka dhinay ay ku jiraan labo qof oo u dhashay Dalka Mareykanka iyo labo qof oo kale oo iyana kasoo jeeda Dalka Hindiya sida ay xaqiijiyeen Safaaradaha Dalalkaasi ee kuyaala Kaabuul.
Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Ciidamada Afgaanistaan ayaa xoog ku galay dhismaha hoteelka, waxaana is rasaaseyn gudaha Hoteelkaasi Dableyda iyo ciidamada ku dhax martay kadib ay Ciidamadu ku guuleesteen in Weerarkaasi soo afjaraan.
Sargaal u hadlay Ciidamada booliska Magaalada Kaabuul ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 54 qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka xiligu weerarku dhacayay, waxa uuna Sargaalka intaa raaciyay in ay dileeb dhamaan dableydii weerarka geesatay.
Taliyaha booliska Magaalada Kabul Janaraal Abdul Rahman Rahimi, ayaa sheegay in aysan caddayn sida ay raggani ugu suuragashay in ay gudaha u galaan hoteelka, waxa uuna intaa raaciyay in ay sameenayaan baaritaano.
Dalka Afgaanistaan waxaa marar badanka dhacay Weerarada nuucaan oo kala ah , waxaana Xoogaga Islaamiyiinta Hubeesan ee dalkaasi ka dagaalama dhoor mar ay galeen Hoteeo iyo xarumo kale oo Dalkaasi kuyaala.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:36 and have
, Published at