daajis.com:- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ku dhawaaqay maanta in xukuumada iyo xisbiga talada haya Somaliland ee KULMIYE ay gogol wada xaajood ah u fidinyaan labada xisbi ee mucaaridka ah ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID.
Saylici oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa wuxuu sheegay in ay doonayaan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay muddo kodhinta labada sano ku dhaw ee isniintii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumada iyo golaha wakiilada. wuxuu kaloo sheegay in somaliland iyadu dhammaysan karto wixii khilaaf ah laakiinse hadda aanay u baahneyn bulshada caalamka oo dhexdhexaadisa.
Dhinaca Kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la soo xiriiray BBC wuxuu cadeeyay in uu aqbalay wada hadalka uu soo jeediyay madaxwayne ku xigeenka Somaliland.
gudoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ah ee WADDANI cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isna BBC u sheegay in aanay waxba ka qabin wada hadal, laakiinse mawqifka xisbiga WADDANI uu yahay in muddo kordhinta guurtidu samaysay ay tahay Xaaraan.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid cige ayaa wareystay madaxweyne xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici , wuxuuna ugu horreyn waydiiyay waxa uu shirka jaraa'id u qabtay maanta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at