daajis.com:- Kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyay ineey gacanta ku dhigeen doon ay la socdeen Kalluumeeysato u dhalatay dalka Iiraan.
Al-shabaab ayaa Doonta ka qabatay Deegaanka Cigo ee duleedka Degmadda Ceel Dheer ee Gobolka Galguduud.
Wararku waxa ay sheegayaan in doontaasi ay la socdeen dad qiyaas ahaan lagu sheegay 13-ruux oo u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo la socday doonida.
Qabashada doonidaasi kadib ayaa waxaa la sheegayaa in halkaasi uu gaaray Gudoomiyayaasha Maleeshiyada ugu magacaaban Degmooyinka Galcad iyo Ceel Dheer oo halkaasi ka kaxeeyay Ajaanibtii la soctay doonida.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaan weli ka hadal gacan ku dhigida shaqaalahaasi u dhashay dalka Iran oo ay qafaasheen, iyadoona aysan jirin cid ilaa iyo iminka og halka ay ula dhaqaaqen Ajaanibtaasi.
Dhanka kale, dadka ku nool Degmooyinka Galcad iyo Ceel Dheer, ayaa kusoo waramaayo in isu socodka deegaanadaasi uu yahay mid uu hakat ku yimid, waxaana inta badan magaalada lagu soo daadiyay Maleeshiyaad wata gaadiidka gaashaaman kuwaasi oo ka feejigan weerar kaga imaada dhanka DF Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:55 and have
, Published at