VIDEO:- Afganbi Maanta Ka dhacay Dalka Burundi iyo Madaxweynaha Dalkaasi oo u Cararay Tanzania

VIDEO:- Afganbi Maanta Ka dhacay Dalka Burundi iyo Madaxweynaha Dalkaasi oo u Cararay Tanzania

daajis.com:- Waxaa Maanta afganbi uu ka dhacay dalka Burundi Generaalka Godefroid Niyombareh ayaa wuxuu Warbaahinta ka sheegay in la bedelay Xukuumaddii tallada heysay markii uu sheegay inaanay aqoonsanayn.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay inay magacaabi doonaan Guddi siihaya tallada dalka ilaa iyo inta laga soo dhisayo Xukuumaddii bedeli laheyd midda haataan sida uu sheegay la eryay.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo iminka ku sugan Magaalada Dar es Salaam ayaa bogga uu Twitter-ka ku lee yahay waxa uu ku sheegay in uu fashilmay isku daygii lagu doonaayay in lagu afgembiyo.

Afhayeenka Madaxtooyada Bujumbura, ayaa isna wax lagu qoslo ku tilmaamay tallaabada uu Militarigu ku sheegay in la afgembiyay Dowladdii Madaxweyne Pierre.

Ciidanka Booliska oo buuxi jiray maalmihii la soo dhaafay wadooyinka Caasimadda Bujumbura ayaa waxaa galabta la soo sheegayaa inaanay ku sugnayn, oo waxaa booskoodii la wareegay Ciidanka Militariga.

burundi-356

Dhowr kun oo shacabka reer Burundi ka mid ah, ayaa galabta isugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Bujumbura, iyagoona soo dhaweynaaya afgembiga ka dhanka ah Dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada