Daawo Sawirada Laamiyada Hindiya oo dhalaalay iyo in ka badan kun Qof oo u dhintay Cimilada Kulul ee Dalkaasi

Daawo Sawirada Laamiyada Hindiya oo dhalaalay iyo in ka badan kun Qof oo u dhintay Cimilada Kulul ee Dalkaasi

daajis.com:- Dalka Hindiya waxaa xiligan ka taagan Kuleekii ugu darnaa mudo sanado ah, waxaana sii kululaanayaa cimilada Dalkaasi ,iyadoona ay jiraan dad badan oo u dhintay Kuleelka baaxada weyn ee xiligan ka jira Dalka Hindiya.

Kuleelka ka jira Dalka Hindiya ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen dad kor u dhaafaya 1,100 qof, waxaa sidoo kale isbitaalada jiifa oo la daweenayaa dad kale oo aad u badan oo dhibaato kasoo gaartay cimilada kulul ee Dalka Hindiya.

Gobalka koonfureed ee Dalka Hindiya Andhra Pradesh ayaa lasoo sheegayaa in kuleelka xoogiisu uu ka jiro, waxaana Magaalo Madaxda Gobolkaasi Hyderabad istaagay isku socodka dadka xiliyada maalintii ah.

Magaalooyin kale oo dalka Hindiya kuyaala ay ku jirto Caasimada Dalkaasi ayaa dadka loogu baaqay in ay joogaan guryahooda ayna usoo bixin banaanka, waxaana jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay cimilada kulul ee dalka Hindiya.















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada